4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Warar dheeraad ah oo ku saabsan dil xalay ka dhacay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

 

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL) –Rag hubeysan ayaa xalay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir gaar ahaan Daarta Xaaji Gaaboow waxaa ay toogasho ku dileen Labo ruux oo ganacsato ah oo siweyn looga garanayay xaafadda ay toogashadu ka dhacday.

Qof ku suganaa goobta uu dilku ka dhacay oo laakiin magaciisa qariyay sababo dhinaca Amnga ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay kala ahaayeen haweeney ka mid aheyd ganacsatada Khaadka iyo qof kale oo la shaqeynayay.

Waxaa uu sheegay in rag ku hubeysan bastoolado weerar ku qaadeen, dilka kaddibna goobta isaga baxsadeen.

Maamulka degmada Dharkeenleey iyo taliska Booliska degmadaas weli kama hadlin dilka labada ruux.

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dilalka khaarajinta ah ee noocan oo kale ah oo loo geysto qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo inta badan aysan suurtagalin in gacanta lagu dhigo dadka dilalkan geysta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]