Warbixin : Muxuu salka ku hayaa xiriirka sii xumaanaya ee dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya
Talaado, May, 21, 2019 (HOL)- Kenya ayaa bilihii ugu
danbeeyayba si is daba joog ah ugu dhaqaaqeysay talaabooyin ka dhan ah xiriirka
dhinaca Diblomaasiyada ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya tan iyo marka laga soo
bilaabo u yeeristeedii safiirka ka jooga
Soomaaliya iyadoo dhanka kalana dalkeeda waqtigaa ka soo saartay safiirka
Soomaaliya.
Labada dal Soomaaliya iyo Kenya
hadda xurguta ugu weyn ee ka dhaxeysa ayaa lagu micneeyaa dacwada hor taala
maxkamada ICJ ee la xiriirta muranka dhinaca badda iyo waliba arinta shidaal barista
oo ah labo arrimood oo marka laysku geeyo siweyn uga careysiiyay dowladda
Kenya.
Kenya ayaa aaminsan in laga maarmi karo dacwada
maxkamada ee ka dhanka ah muranka badda taa badalkeedana labada dowladdood arintan
wada hadal ku dhameysan karaan, halka dowladda Soomaaliya-na aamisan tahay in
laga war sugo oo aan laga hor dhicin go’aanka maxkamada.
Sidoo kale Kenya ayaa dhawaan hakisay duulimaadyaddii
tooska ahaa ee diyaaradaha rakaabka ah ee u kala gooshi jiray magaalooyinka
Muqdisho iyo Nairobi, sheegtayna in ay u weecisay magaalada Wajeer si
baadhitaanno loogu sameeyo.
Arrinta Shidaalka ayaa iyana ah
qoddob kale oo aysan jecleysan dowladda Kenya sida ay u maamuleyso dowladda
Soomaaliya, iyadoo maalintii shaley oo ay taariikhdu ku beegneyd 20kii bisha uu
Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay sharciga Batroolka.
Dowladda Kenya ayaa horay uga
carootay shirkii London ee dalka Britain ka dhacay 5tii bishii Feberaayo ee sanadkan oo
ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay macluumaad la xiriira sahamin shidaal
oo laga sameeyey Soomaaliya.
Laakiin taa badalkeeda dowladda
Kenya ayaa u arkeysay shirkaa in uu yahay mid lagu xaraashayay ama lagu
iibgeeyay shidaalka ku jira xudduud baddeedka wali lagu muransan yahay.
Kenya ayaa qabsoomidda shirkan uga fal-celisay
"in ay erido" safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkeeda iyo in ay u
yeerato safiirkeeda ka jooga Muqdisho.
Xiisaddaas Diblomaasiyadeed ayaa markii dambe lagu xalliyay qaab wada
xaajood ah oo uu gar wadeen ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kulan isugu keenay madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Kenya.
Tallabadii ay maalintii shalay ku xayirtay saddex
xubnood oo ka tirsanaa golaha Xukuumadda iyo Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya
ayaa loo arkayay jawaab durbaba Kenya ay ka bixisay go’aankii uu baarlamaanka
Soomaaliya ku ansixiyay sharciga Batroolka oo Kenya u aragto mid aan iyaga u
wanaagsaneyn.
Qoddob kale oo la leeyahay waxaa uu qeyb weyn ka
yahay dagaalkan dib u soo cusboonaaday ee Diblomaasiyada labada dowladdood
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo
Jubbaland.
Kenya ayaa lagu xaglinayaa in ay gacan siineyso
hoggaamiyaha waqtigan ee Jubbaland Axmed Madoobe oo siyaasad ahaan xiligan
aysan isku wanaagsaneyn dowladda Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dhibaato weyn ku heyso Amniga deegaannada Jubbaland, iyo fara-galinta doorashada ku soo fool leh deegaannadaas.
Ergeyga gaar ah ee howlgalka midowga Africa
AMISOM oo tagay Kismaayo ayaa beeniyay in wax is badal ah lagu sameeyay
ciidamada midowga Africa ee ku sugan
Kismaayo, isaga ka jawaabayay warar soo baxay oo sheegayay in Amniga garoonka
diyaaradaha magaalada Kismaayo la wareegeen ciidamo Itoobiyaan ah iyadoo laga
wareejiyay ciidamada Kenya.
Si kastaba dowladda Soomaaliya oo sheeda kore
kala socta hadba tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda Kenya ayaa marnaba wax
jawaab ah ka bixin, lamana oga sababta aamusnaanta dheer ay u gashay dowladda
oo xiligan wajaheysa caqabado siyaasaddeed oo gudaha iyo dibaddaba leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]