4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Turkiga oo ballanqaaday xoojinta taageerada Soomaaliya

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho,Mehmet Yilmaz.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Cawad waxa uu ammaanay mowqifyada taariikhiga ee Turkiga iyo isgarabtaagiisa Shacabka Soomaaliyeed oo aad u tixgeliya kaalintaasi muuqata. Waxa uu tilmaamay in dano wadaag uu ka dhexeeyo Soomaali iyo Turkiga, oo tusaalaynaya dareenka qarannimo iyo dhacdooyinka taariikheed iyo kuwa juquraafi, isagoo xusay in Muqdisho iyo Ankara ay yihiin aayo wadaag , taasi oo caddeyn ay ugu filan tahay heerka xiriirka laba geesoodka iyo midka gaarka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz waxa uu boggaadiyay xiriirka Turkiga kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirkaasi laba geesoodka ah ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya. Waxa uu sheegay in xiriirkaasi uu sameeyay horumar la taaban karo sanadihii ugu dambeeyay.

Safiirka waxa uu caddeeyay in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo farta ku goday in siyaasadda dalkiisu ay tahay mid si dhammaystiran u sugan marka lala dhaqmayo Muqdisho oo ah isbahaysi walaal ah oo qarniyo badan soo jiray.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]