4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Mas'uuliyiintii dowladda federaalka ee loo diidday dal ku galka Kenya oo Muqdisho ku soo laabtay

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) -  Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka oo tan iyo xalay ku xannibnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, kaddib markii loo diidday dal ku galka Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya, Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee lagu xannibay Joma Kenyatta,iyadoo saddexdan mas’uul loo diidday inay gudaha u galaan xarunta dalka Kenyawaxaana saraakiisha waaxda socdaalka ee dalka Kenya ay u sheegeen ineysan wax sharciyad ah u heysan bixinta dalku-galka ama fiisaha, taasoo hore si caadi ah loo siin jiray.

Mas'uuliyiinta ayaa xalay dhex -seexday garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta,sida laga soo xigtay wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha, Cusmaan Libaax, halka Senator Ilyaas Cali Xasan uu isna goor dhow xaqiijiyay inay si nabad ah ku soo gaareen Muqdisho.

Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in xubnahan ay u socdeen shir caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi, kaasoo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Urur gobolleedka IGAD iyo dowladdaha saddexda ah ee Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda ma jirto wax falcelin ah oo ay ka sameysay go'aanka ay dowladda Kenya ku xanibtay mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda,mana cadda sababaha ay Kenya sida dhaqsada leh ugu joojisay fiisaha laga siin jiray madaxda dowladda gudaha garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]