4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Roob socday Lix saacadood oo xiriir ah oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne

 

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Roobkan oo bilaawday Abaare saacado markey aheyd 11:00 habeenimo ee xalay ayaa soo gaaraya Waabarigii saakay isaga oo si toos u dayay ku dhawaad Lix saacadood oo xiriir ah.

Roobkan ayaa saameyn ku weyn ku yeeshay dadka dadka danyarta ah oo qaarkood gur-yahay daadad ugu galleen, halka kuwa kalana ay u geysteen burbur soo gaaray qeybo ka mid ah guryihii ay ku noolaayeen.

Sidoo kale guud ahaan Maasjiyada magaalada ayaa Salaadii Subax ee saakay wax Aadan ah laga maqal, taasoo xitaa marka dhinac laga eego saameyn ku yeelatay xiliga Saxuurta oo in badan oo bulshada magaalada ah ku kici jireen maqalka Aadanka.

Magaalada ayaa sidoo kale korontada laga jaray fiidnimadii hore ee xalay markii ay roobabku bilaawdeen, waxaana dib loo soo daayay 9:00 subaxnimo ee saakay

Hadal heynta ugu badan ee magaalada ayaa ah haddii ay sii socdaan roobabka baqdin laga qabi karo fahahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle oo labo sano oo isku xigta waqtigan oo kale magaalada looga baxay.

Wararka ka imanaya deegaannada Waqooyi gaar ahaan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay jiraan biyo badan oo ka soo rogmaday togagga oo ku socda Wabiga Shabeelle, taasoo dhinaca kale sare u sii qaadi karta walwalka ay dadku qabaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Roobab xoog leh oo ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka  burburiyeen Buundada Ceel Gaal oo muhiim u ahey isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]