4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Faah faahin : Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xayiray garoonka Joma Kenyatta

 

Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Wasiir ku –xigeenka Wasaarradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahim oo ka mid ahaa Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xayiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa xaqiijiyay in warkaasi jiro, islamarkaana sugayaan sida uu hadalka u dhigay diyaaradii ku celin laheyd Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dal ku gal u diidey Xubnaha isugu jiray Wasiirradda iyo Xildhibaannada ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaa oo qorshuhu ahaa in ay saakay ka qeybgalaan shir ka furmi lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay si wada jir ah uga qayb galayaan QM, Midowga Yurub, IGAD, Soomaaliya, Itoobiya iyo dalka Kenya.

Cismaan Libaax waxaa uu sheegay in uusan dooneynin uu bixiyo faaah faahin dheeraad, laakiin isaga iyo xubnaha kale ee la socda sugayaan sida uu hadalka u dhigay diyaaradii ku celin laheyd dalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dhacdadan ay la kulmeen xubnaha dowladda Soomaaliya matalayay.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyayba jiray cadaadis dowladda Soomaaliya uga imanayay dhinaca dowladda Kenya oo la xiriira dhinaca isku socodka labada dal, iyadoo dhawaan Kenya ay amartay in diyaaradaha ka soo duula garoonka Aadan Cadde soo maraan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Kenya ayaa u muuqatay in cadaadiska ku saarayso Soomaaliyadacwada badda ee u dhaxeeysa labada dal oo la filayo dhowaan Maxkamadda Cadaalada ee Caalamiga ICJ inay go'aan ka gaarto, iyadoo Kenya marar badan oo hore ka dalbatay dowladda Soomaaliya in ay dacwadaasi ka laabato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]