4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo kula kulmay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo guddiga horumarinta


Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta gobolka Mudug.

Kulanka ayaa inta uu socday diirrada lagu saaray arrimaha Amniga, xasil;oonida iyo horumarinta gobolka,iyadoo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay dhinacyadii kulanka ka qeybgalay.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay waxgaradka,odayaasha dhaqanka ee magaalada Gaalkacyo dadaalka ay ku bixiyeen xallisinta iyo horumarinta magaalada Gaalkacyo, wuxuu marka u caddeeyay xukuumadda inay muhiimad gaar ah u leedahay magaalada Gaalkacyo.

"Madaxweynaha wuxuu u sheegay dhinacyada kulanka ka qeybgalay in il-gaar ah lagu eegi doono xaaladda magaalada Gaalkacyo,maaddaama Gaalkacyo ay tahay difaaca Puntland." ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Booqashada uu madaxweynaha Puntland ku joogo magaalada Gaalkacyo ayaa ah middii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo doortay,waxaana la filaya inuu kullamo kale ku qaateen muddada uu halkaa joogo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]