4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka oo lagu xanibay Joma Kenyatta

Isniin, May, 20, 2019 (HOL) -  Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramaya inay joojisay dal ku galka laga qaato garoonka diyaaradaha (Visaha On Arrival) oo  looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaannada ,wasiirrada dowladda federalka iyo madaxda dowlad-gobolleedyada,iyadoo aysan jirin wax ogaansho hore ah oo ay go'aankan ka bixisay Kenya.

Go'aankan wuxuu saameyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa la xaqiijiyay wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare inay caawa ku xaniban yihiin garoonka diyaaradaha Nairobi ee Joma Kenyatta, kaddib markii loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya.

Kenya ma aysan faahfaahin go'aanka ay sida dhaqsada ah ku qaadatay waxa dhaliyay iyo sababta aysan wargelin hore uga soo bixin, iyadoo dhinaca dowladda Soomaaliya aysan ka soo bixin warbixin looga falcelinayo go'aanka Kenya.

Go'aankan wuxuu ku soo aadday xilli dhowaan ay Kenya ka baxday heshiis labada dal u dhaxeeyay oo la xiriiriyay duulimaadyada tooska ah,waxaana diyaaradaha ka baxa Muqdisho lagu qasbay inay sii maraan magaalada Wajeer.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa ku sheegay go'aamada deg dega ah ee dowladda Kenya ay cadaadiska ku saarayso Soomaaliya inay la xiriirto dacwada badda ee u dhaxeeysa labada dal oo la filayo dhowaan maxkamadda dambiyada caalamiga ah inay go'aan ka gaarto.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]