Shirkadda Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc Internetka lagu gaarsiiyo dhulka fog ee Miiyiga
Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Maareeyaha Hay’adda
Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee
Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka
California ee dalka Mareykanka.
Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon
ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair
Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo
hawlgallada, waxayna ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto
farsamadan casriga ah ee internetka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo
qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka.
Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday
qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo
ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya
internet xawaarihiisu gaarayo 4G.
Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal
ay Google ku dooneyso in internetka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin
isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta
ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka.
Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in
farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku
kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka
buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha
ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha
isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay
adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan
anteenooyinkooda.
Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo
dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico,
iyo Sri Lanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]