4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo saartay Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah fasalka 12-aad ee 2018/2019,kaddib markii dhowaan la joojiyay imtaaxaankii hore oo bannaanka u baxay.

27-ka bishaan oo ku beegan maalin Isniin ah ayuu dib u furmi doonaa imtixaanka, iyada oo hada uu socdo diyaar garowga ku aadan Imtixaanka.

Wasaaradda waxbarashada ayaa lagu soo warramaya inay dadaallo dheeraad ah galisay imtixaankan, si aysan u dhicin mar kale inuu bannaanka u baxo,taas oo horey u dhalisay inuu fashilmo imtixaankii toddobaadkii hore la tiray.

Hoos ka akhri jadwalka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]