4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo magacaabay wasiiru dowlayaal

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaa maanta magacaabay wasiiru dowlayaal cusub oo ka mid noqonaya xubnaha golaha wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed.

Wasiiru dowlayaashan madaxweynaha uu magacaabay ayaa ah saddex, kuwaasi oo mid ka mid ah loo magacaabay madaxtooyadda Koonfur-galbeed.

Wasiiru dowlayaasha ayaa kala ah;

1- Maxamuud Maxamed Khayre oo loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada.

2- Cabdirashiid Sheekh Axmed oo loo magacaabay  wasiiru dowlaha madaxtooyadda.

3- Cabdullaahi Maxamed Adan (Farey) oo loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha hoose.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]