4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Al-shabaab oo weerar ku dishay Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya

 

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab dileen ilaa saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda kaddib weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen degmada Waajid.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay  in xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo isticmaalaya gantaalada garabka laga rido iyo qoryaha darandooriga u dhaca ay weerrar ku qaadeen saldhig milatariga uu Soomaaliya ku leeyahay galbeedka Waajid halkaas oo in cabaara lagu dagaalamayay.

Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamad Cabdi Tool ayaa sheegay in sedex askari oo ka tirsan ciidanka dawladda la dilay isla markaana hubkoodii horey loo sii qaatay. 

"Xalay markii ay ahayd lix saac waxaa Waajid ka dhacay dagaal, nimankii nabad diidka ahaa ay soo weerareen dhufeyska dhinaca galbeed ka xiga magaalada, marka sida la ii sheegayo waxa weeye meeshaas illaa sedex askari oo ciidanka dawladda ah ayaa ku geeriyooday. Khasaaraha dhinacooda war uma hayo laakiin inta isoo gaartay intaas waaye" ayuu yiri gudoomiye Tool.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolka Bakool, halkaa oo ay weerarrada ugu badan ka geystaan, sidoo kale Al-shabaab go'doomiyay degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo ay ka jareen isku socodka gaadiidka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]