4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Xaliimo Yarey: Xukuumadda awood uma laha inay caddeyso xilliga doorashada

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)–  Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya,Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in xukuumadda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada aysan awood u lahayn inay caddeyaan xilliga doorashada iyo sida ay u dhacayso.

Waxa ay xaqiijisay cidda kaliya ee awood u leh arrimaha doorashada inad tahay guddiga doorashooyinka madaxa bannaan, xilli ay ka hor hadleysay xildhibaannada golaha aqalka sare.

"Xukuumad, ama Baarlamaan.. xukuumad federaal ah ama mid dowlad-gobolleed ha noqoto wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin maleh, sharciga ay u heystaana maleh inay caddeeyaan doorashada gorta ay dhacayso iyo sey u dhacayso ... sida ay u dhacayso nidaamkeeda sharciga doorashada soo caddeyn, Baarlamaankana soo ansixin ." Xaliimo Yarey ayaa sida sheegtay.

"Waqtiga ay dhacayso doorashada cidda iclaaminaysa waa guddiga doorashooyinka". ayay raacisay.

Sidoo kale, waxaa ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan xornimo la xiriirta inay iyagu wax soo doortaan, taasna si loo gaaro waxay usoo jeedisay golaha aqalka sare oo Axaddii ay hortagtey inay ka shaqeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen cidda ay rabaan inay soo doortaan.

Waxan wali kala caddeyn nooco doorasho ee dalka ka dhacaysa,iyadoo dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliyana ay sheegayaan inaysan sahal noqon karin doorasho shacab xilligan inay ka dhacdo dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]