4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Gobolka Mudug

Isniin, May, 20, 2019 (HOL)– Madxaweynaha  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhismaha madaxtooyadda Puntland ee magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay guddiga Amniga gobolka Mudug.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaarkamid ah Goleyaasha Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir

"Waxaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul."

"Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya ballanqaadkii dowladda ee ahaa in ahmiyadda koowaad, labaad iyo sadexaadba lasiiyo arrimaha Amniga dalka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacayo waxa uu kulamo noocanoo kale ah la qaadandoona qaybaha kale ee bulshada." ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe wanagsanaa, iyadoo dadaalka xasillinta gobolka ay qeyb ka yihiin ciidammo isku-dhaf ah oo ka howlgalla magaalada Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]