4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Xukuumadda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta ansixinta sharciga Batroolka ee horyaala Golaha Shacabka

 

Isniin, May, 20, 2019 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta meel marinta sharciga Batroolka oo hadda hor yaala xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah ajandayaal muhiim ah oo lagu wado in xildhibaannadu maanta ka doodaan.

Sharciga Batroolka ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah ayaa la filayaa in maanta Golaha Shacabku cod u qaado.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa ajandayaasha kulankooda maanta ay uga doodi doonaan waxaa ka mid ah hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa iyo Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka dalka.

Kulankii kan ka horeeyay ayeey xildhibaannadu ku meel mariyeen hindise sharciyeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay kan Naafadda oo ahaa sharci heer caalami ah oo markiiba hore ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]