4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2019
11 Qof oo Soomaalida Itoobiya ayaa lagu dilay tuulada Madan ee degmada Afdam


Khamiis, May, 02, 2019 (HOL) Waxaa lasoo xaqiijiyay magacyada 11 qof oo Soomaali ah oo maanta si arxan darro ah loogu laayay tuulada Madan oo katirsan degmada Afdam ee Gobolka Sitti.

Magacyada marxuumiinta ayaa kala ahaa sidan.

1.Cige Farax
2.Adan Cige Farax
3.Cali Fure Farax
4.Cabdilaahi Ducaale Colle
5.Axmed Ducale Colle
6.Boodhle Xalane Farax
7.Xuseen Jaamac Barre
8.Sabban Geedi Suge
9.Cige Rooble Muuse
10.Adan Caateeye Dharaar
11.Xuseen Dirir Cige

Waxaa kale oo lasoo sheegayaa in dhaawac ilaa 4 qof ay jiraan kuwaas oo dhaawacoodu halis yahay.

Raggan la laayay ayaa sida wararku sheegayaan loo galay meel lagu magacaabo Madan oo ka tirsan degmada Afdam ee Gobolka Sitti. waxaana Raggan laayay Ciidanka Booliska Canfarta. mana cadda sababta ka dambaysay raggan in sidaa arxan darada ah loo laayo halmar.

Dhanka dawladda degaanka Canfarta ma jirto wax war ah oo kasoobaxay oo ku saabsan arrintan dilka ah.

Inta badan xuduuda labada degaan ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa ahaa mid muddooyinkii dambe ay ka jireen dhibaatooyin iyo colaad aan joogsi lahayn, taas oo sababtay in Shacab Soomaali ah lagu laayo ama lagu dhibaateeyo tuulooyinka ku dhaw xadka labada degaan, waxaa xusid mudan in Ciidanka Qaranku dhawaan ay ka ururiyeen Shacabka qoryihii ay haysteen, taasna ay ka dambaysay in maanta sidan loogu xasuuqo dad Shacab ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]