4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Puntland oo ka soo horjeesatay xeerka doorashada ee Golaha Wasiirrada Federaalka ansixiyeen

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Puntland ayaa diiddey xeerka doorashooyinka iyo xisbiyadda ay meelmariyeen golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee Puntland ayaa lagu sheegay inay Puntland mowqif adag ka qaadatay xeerka, iyadoo warsaxaafadeedka uu inta ku daray xeerkan oo ka mida go'aannada masiiriga ah inan laga talogelin Puntland,taasi oo baalmarsan dastuurka qaybyadda ah, sida qoraalka lagu sheegay.

"Dowladda Puntland waxay ka digeysaa  ficilada Madaxda dowladda Federaalka isku gaar yeeleyso talada iyo go’aanada Masiiriga ah ee dalka, sida geeddi socodka dhameystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo Amniga dalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, doorashooyinka iyo dhismaha Cadaaladda". ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo inta ku daray "Dowladda Puntland waxay ka soo horjeedaa go'aan kasta oo aan waafaqsaneen Dastuurka kumeelgaarka ah ee ay ku tilaabsatay xukuumadda ,sida diyaarinta wax ka beddelka sharciga Batroolka iyo Doorashooyinka".

Puntland ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbatay in ay ku dhaqaaqin go'aano jebinaya dastuurka ku meelgaarka ah ,si baa-layiri looga fogaado khilaaf iyo kala fagaansho dhaawici karta geeddi u socodka dhismaha dowladnimada.

"Dowladda Puntland waxay u taagan tahay midnimada iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan hannaanka Federaalka ee lagu heshiiyey". ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wuxuu ku soo aaddaya warka ka soo baxay Puntland iyadda oo lagu waddo in magaalada xarunta ah ee Garoowe uu ka qabsoomo shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo looga wada-hadli lahaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]