3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Marekanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen nin horey uga dilay askari

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-  Marekanka ayaa xaqiijiyay inay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan al-Shabaab oo horey u diley askari ka tirsanaa ciidammada Maraykanka oo lagu diley deegaanka Bar Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta oo ciidanka Marekanka ay geysteen 19kii bishii April ayaa la sheegay inay ku geeryoodeen labo ka mid ah dagaallamayaasha al-Shabaab,waxana uu mid kamid ah ahaa Cabdulaahi Jibiyow oo hoggaamiye ka ahaa koox hoobiyaal ku weerartay xarun ay ciidammada Maraykanka ku lahaayeen Bar Sanguuni halkaas oo uu ku dhintey Saddex Alifle Alexander Conrad afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka AFRICOM ,Col Chris karns  ayaa sheegay in Conrad uu kamid ahaa ciidammada gaarka ah ee North Caroline balse markii la dilayay uu qeyb ka ahaa howlgal la magac baxay Operation Octave Shield, kaasoo lagula dagaallamo dagaalyahannada al-Shabaab,sida laga soo xigtay wargeyska arrimaha ciidammada ka faalooda ee Milatary Times.

Marekanka ayaa Soomaaliya ka fuliya weerarro duqeyn u badan oo gacan lagu siinayo dowladda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
5/2/2019 8:53 PM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL) Waxaa lasoo xaqiijiyay magacyada 11 qof oo Soomaali ah oo maanta si arxan darro ah loogu laayay tuulada Madan oo katirsan degmada Afdam ee Gobolka Sitti.

5/2/2019 6:06 PM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Puntland ayaa diiddey xeerka doorashooyinka iyo xisbiyadda ay meelmariyeen golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

5/2/2019 1:00 PM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

5/2/2019 10:08 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Munaasabad lagu daahfuray bangiga Amana ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,iyadoo ay ka qeybgaleen xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee federaalka, madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hirshabeelle ,ururka bangiyada ,ganacsato iyo mas'uuliyiin kale.

5/2/2019 9:24 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Aasaasaha shabakadda Weakyleakes,Julian Assange ayaa maxkamadda Southwark ee koofurta London waxay ku ridey xukun 50 usbuuc . Sababta xukunku waa isaga oo ku xad-gudbay shuruudihii damiinta dacwaddii loo haystay 2012kii oo ah sannadkii uu magangalyada u galay safaaradda dalka Ecuador ee London.

5/2/2019 9:07 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool ayaa biyo la'aantii ugu darayd soo wajahdey kadib markii la waayey roobabkii gu'ga oo xiligii ay di'i jireen la waayey.

5/2/2019 8:52 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirweynaha Haweenka Puntland oo Afartii maalmood ee ugu dambeyey ka soconayey magaalada Garoowe.

5/2/2019 8:38 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-Fadhi wada jir ah oo ay wada lahaayeen labadda gole baarlamaan ee Somaliland ayaa maanta iskugu yimid sidi ay u meel marin lahaayeen go’aan uu madaxweynuhu usoo jeediyey oo ah in xaalad degdeg ah lagu soo rogo saddex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag oo kala ah Gar adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

5/2/2019 8:30 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wareysi uu siiyay Hiiraan Online uga hadlay arrinta doodda keentay ee ah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo lagu magacaabay garoonka magaalada Kismaayo, dagaalka al-Shabaab iyo shirka Garoowe.

5/2/2019 8:04 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

5/2/2019 7:38 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa loo oggaaladay inuu shaqeeyo,kaddib muddo sannad ka badan oo xayiraad ay saarneyd.

5/2/2019 5:51 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay ciidamada ku sugan gobolka Gedo sarkaal u qaabilsanaa Al-shabaab qaraxyada.

5/2/2019 3:20 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 1.7 milyan oo Soomaali ah inay wajahayaan heerar kala duwan oo deg-deg ah taasi oo ku saabsan cuno la’aan soo food saartay, waxayna xaaladdoodu ugu darantahay illaa bisha Jun ee sannadkaan.

5/2/2019 3:10 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Ciidan ka tirsan kuwa amniga magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, ayaa saacadihii hore ee khamiista maanta gadood sameeyay, sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/2/2019 2:46 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Wasiirka Gaashandhigga Ingiriiska,Gavin Williamson ayaa xilka laga qaaday, kaddib markii uu diiddey inuu is casilo, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha dalkaas.

5/2/2019 1:12 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya howlgal ballaaran ka wadaan deegaanka Bariire oo ay maalintii shalay kala wareegeen xoogagga ururka Al-shabaab.

5/2/2019 1:02 AM EST
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Shirka oo maanta oo Khamiis lagu waday in uu magaalada Garoowe uga furmo dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa dib u dhacay, waxaana soconaya kulamo wada taashi ah oo la xiriira ka qeybgalka shirka.