4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Bangiga Amana oo maanta la daahfuray

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-  Munaasabad lagu daahfuray bangiga Amana ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,iyadoo ay ka qeybgaleen xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee federaalka, madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hirshabeelle ,ururka bangiyada ,ganacsato iyo mas'uuliyiin kale.

" Amana waa 20 jirsatay ,maantana waxaa ku soo biiray Amaanadii aad tagaaneen Amana Bangi.. shaqada aan muddada soo wadnay waxay na-tustay in loo qabo baahi Bangi, macaamiisheenna baahida ay u qabeen bangiga ayaana ka jawaabnay soona kordhinay bangi". ayuu yiri guddoomiyaha bangiga Amana ,Cabdirisaaq Xuseen oo xafladda ka hadlay.

Xuseen , waxaa kalo uu sheegay Bangiga Amana inuu u shaqeyn doono nidaamka casriga ah ee caalamka,isagoo yeelanaya dhammaan adeegyada ay leeyihiin bangiyada caalamka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka labadiisa gole ayaa munaasabadda ka sheegay inay soo dhaweynayaan Bangiga Amana, iyagoo ku dhiirrigaliyay inuu horseedayo isbeddelka ganacsi ee dalka, waxyaabaha kale ee Bangiga ay la wadaagayeen ayaa ahayd bangiga inuu billow u noqdo horumarinta beeralayda, kalluumaysatada iyo shaqo abuurta.

"Waxaan u hambalyeenaya bangiga Amana , anigu taariikhdeeda si fiican ayaan ula socdaa, maanta heerkan waxay ku soo gaartay daacadnimadeedda iyo dadaalkeeda". ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa xildhibaannada hadalka ka jeediyay furitaanka bangiga Amana.

Madaxweynaha dowladgobolleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa furitaanka bangiga Amana ku tilmaamay 'xiddig usoo baxday bulshada' ,wuxuu ku ammaanay shaqada Amana ay usoo qabatay bulshada, isagoo ku dhiirrigaliyay inay xoojiyaan dadaallada.

Shirkadda Amana ayaa muddo 20 sanno ah ka shaqeynaysan deegaannada Soomaalida iyo dalalka dibadda ee ay ku badanyihiin bulshada Soomaaliyeed, goobaha ay ku leedahay xarumo xawaaladdo ah ,iyadoo shirkaddan ay ka mid tahay kuwa muddada ugu dheer shaqeynaya ee howlaha badan usoo qabtay bulshada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]