4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Julian Assange oo lagu xukumay 50 usbuuc oo xabsi ah

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Aasaasaha shabakadda Weakyleakes,Julian Assange ayaa maxkamadda Southwark ee koofurta London waxay ku ridey xukun 50 usbuuc oo xabsi ah . Sababta xukunku waa isaga oo ku xad-gudbay shuruudihii damiinta dacwaddii loo haystay 2012kii oo ah sannadkii uu magangalyada u galay safaaradda dalka Ecuador ee London.

Balse, dhageysiga koowaad ee dacwadda muhiimka ah oo ka furmaysa Westminster oo la xiriirta codsiga gacangalyada Marekanka oo looga haysto burcadnimo dhanka Internetka ah ayaa la sugaya.

Habka fulinta gacangalyada ayaa qaadan kara muddo dheer oo bilooyin ah oo u dhexeeya xukuunno kala duwan, racfaanno iyo go’aanka kama dambaysta ah ee xukuumadda Britain.

Julian Assange waxaa bishii hore laga soo qabtay gudaha safaaradda Ecuador kaddib markii xukuumadda Ecuador kala laabatay magangalyadii uu ku joogay muddada 7da sanno ah.

Ninkaan oo 47 jir ah ayaa u dhashay dalka Australia, waxaana sidoo kale horey u raadinaysay Xeer-ilaalinta Sweden iyada oo loo haystay kiis muran dhaliyay oo ku sabsanaa labo gabdhood oo ku eedeeyay gabood fallo galmeed, kiiskaas oo  xeer-ilaalinta Stockholm iska xeraysay mar hore laakiin laga yaabo in dib loo furo, mar haddii magangalyadii lagala laabtay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]