4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Biyo la'aantii ugu darayd oo Laascaanood ka taagan iyo roobdoon todobaadkii labaad loo dareeray

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-  Magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool ayaa biyo la'aantii ugu darayd soo wajahdey kadib markii la waayey roobabkii gu'ga oo xiligii ay di'i jireen la waayey.

Magaaladan oo aan lahayn biyo ileed quudiya ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay bekedaha ku yaal magaalada Kala-baydh oo 30km galbeed kaga quman walow ay jiraan magaalooyin kale oo iyaguna berkedaha biyo roobaadka lagu kaydiyo leh, inta badana waxaa la sheegayaa in ay madhan yihiin.

Suuqa gaadiidka biyaha laga kaxaysto ayaa gebi ahaan cidla ah, iyadoo sababta lagu sheegay in aanay hayn meel ay biyo ka soo qaadaan "Ma jirto meel aan biyo ka doono, hadii la helo meel ay wax ku jiraan sida tuulada Qoriley waase fogtahay qiimaha aan ku soo iibsanaynaana waa qaali, maxaan dadka kaga iibin karaa" sidaa waxaa yidhi Cabdilaahi Cali oo leh booyad waxaanu sheegay inuu iska dhigay.

"Maanta ku sadex waxaan cuntada ka doonanayey hudheelka, markaan waayey biyo ayay dantu igu qabsatay" Raxma Muxiyadiin ayaa HOL u sheegtay iyadoo taas ku dartay inay sii adkaan karto xaalada magaaladu haddii aan Illaahay roob shubin.

Waxaa walaac laga muujinayaa ceelal magaalada ku yaal oo horey bahda caafimaadku ka dayriyeen oo haatan dad badan oo danyar ah ay cabid u isticmaalaan, waxaanay sababi karaan xanuuno sida shubanka oo dhowaan degmada Taleex dad badan asiibay.

Dhinaca kale roobdoontii ugu horaysey ee sadex meelood oo geesaha magaalada ah ayaa lagu tukadey Garoonka Cabdi Bile oo waqooyiga magaalada ku yaal, garoonka Masalaha oo koonfurta ah iyo barxad bariga magaalada Laascaanood ah.

Roobdoontan ayaa ah tii labaad ee mudo laba todobaad ah lagu tukado magaalada taas oo muujinaysa baahida xooga leh ee ka taagan gobolka Sool oo marba marka ka danbaysa ka sii daraysa.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool