4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Madaxweynaha Puntland oo Soo Xirey Shir weynaha Haweenka Puntland

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha  Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirweynaha Haweenka Puntland oo Afartii maalmood ee ugu dambeyey ka soconayey magaalada Garoowe.

Munaasabadda soo xiritaanka Shirweynaha Haweenka Puntland waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Sahro Cabdi Xirsi Qaar kamid ah Golaha xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland,iyadoo ay ka qeybgaleen haween ka kala socday gobollada, dumar qurbajoog ah, haweenka ku jira ururrada iyo siyaasadda.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Marwo Aamina Cismaan Xaaji  oo ugu horreyn ka warbixisay muddada uu shirka socday waxaa ay sheegtay si mugweyn in looga hadlay caqabadaha haweenka ka haysata arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, caqabadaha dhaqan dhaqaale iyo kaqaybgelinta Haweenka Siyaasada dalka.

"Nuxurka ka soo baxay shirkan wuxuu saldhig u noqondoona jihaynta qorshaha shanta sano ee Wasaarada Haweenka iyo dhamaan qorshayasha hay'adaha dawliga kale oo arimaha haweenku galaan." ayay tiri Marwo Amina Cusmaan Xaaji .

Shirka ayaa inta uu socday laga soo saaray shan qodob oo lagu faahfaahiyay doorka ay dumarka ku leeyihiin bulshada iyo sida ay muhiim u tahay door muuqda inay siyaasadda iyo hoggaanka bulshada ku yeeshaan.

Madaxweyne Deni oo soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ayaa khudbad uu jeediyey ku dheeraaday sida ay Haweenka Puntland laf-dhabarta ugu yihiin dhismaha Dowladnimo ee ka hanaqaaday Puntland, waxaa uu soo dhoweeyey dhammaan qodobbada kasoo baxay shirka.

" Waan ku faraxsanahay codka Haweenka Puntland inuu si cad oo aan qarsoodi lahayn bannaanka u yaallo uu tiraab iyo tixba ku yaalo, waa horumar iyo guul aan u rajaynayo Haweenka Puntland, waxaan ku faraxsananay dhowrkii maalmood ee aad joogteen waxyaaba ka soo baxay shirkan''.

"Waxaan rabaa inaan aad u xuso, tacadiyada gabdhaha loo gaysanayo aad baan ugu xunahay dhammaanteen xaqiiqdii, oo dumarka aan ku ahayne ceebta ugu weyn ay Ragga haysato, maxaa yeelay gabdhohoodii, Xaasaskoodii iyo Ciyaalkoodii iyo Walaalohood xad gudubka lagu samaynaayo cid aqbalaysa ama ogol ma jirto" ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in Puntland shacab iyo dowladba si wadajira looga dhiidhiyey falalka kufsiga ee foosha xun, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inaanay falalkani Puntland oo keliya ku koobnayn.

"Waxaa ii muuqata in Puntland keliya uusan ku koobnayn ee dalka Soomaaliya oo dhan aad uga jiro. Waxaa Puntland gaar ka ku ah ayaa ah inay ku dhiiradeen gabdhihii reer Puntland inay codkooda kor u qaadaan, is beddelku waa intaas, inaysan Hooyadu gabadheeda wixii lagu sameeyay waa ceeb weeye aysan orane qarin, Dacwooto, Maxkamadaha keento, Ciidamada lasoo xiriirto, Media la xiriirto... Waxaan aaminsanahay waa guul iyo Horumar, uma aragno dhaleecayn iyo dhib, waxaan qabaa waxkasta oo dhib ah oo dhacay inaynaan qarsan, waayo waxaa qarsatid waa ku qarsadaan, marka waxaan qabaa dhibaatada jirta inaan bannaanka keeno". ayuu raaciyay madaxweynaha Puntland.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]