4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Madaxweynaha Jubbaland oo wareysi uu siiyay Hiiraan Online uga hadlay magac bixinta garoonka Kismaayo iyo arrimo kale

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wareysi uu siiyay Hiiraan Online uga hadlay arrinta doodda keentay ee ah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo lagu magacaabay garoonka magaalada Kismaayo, dagaalka al-Shabaab iyo shirka Garoowe.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu horrayn ka jawaabay su'aal la xiriirtay ,Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo lagu magacaabay garoonka magaalada Kismaayo arrintaa oo dood dhalisay, wuxuu sheegay xilliga go'aanka la gaarayay intuusan joogin magaalada Kismaayo oo uu dibadda ku maqnaa, wuxuu inta ku daray golaha wasiirrada Jubbaland inay dood iyo fallanqeyn ka yeesheen,isaguna uu ku raacay.

"Ma jiro halyeey ka magac dheer Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kana mudan in lagu magacaabo garoonka Kismaayo. Waan ku raacsanahay go'aanka ay gaareen golaha wasiirrada Jubbaland oo ay u doorteen halyeeygii Soomaaliyeed Sayid Maxamed". ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe oo inta ku daray " Sayid Maxamed Cabdulle halgan iyo dagaal badan ayuu qaranka usoo galay".

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa Hiiraan Online waxaa ay waydiisay dagaalka Jubbaland ay kula jirto Al Shabaab, iyo sababta aan ilaa hadda guul laga gaarin oo ay wali ku suganyihiin inta badan deegaannada Jubbaland.

"Dagaalka Al-Shabaab wadajir ayuu u baahanyahay, ma aha mid kaligeen aan ku filanahay... Runta haddii la sheego dagaalka Al-Shabaab daacad lagama aha ,dagaal loo dhanyahayna ma aha, haddii dagaalka si wadajir ah loo wadaagayo waxaa laga gaaraya guul". ayuu raaciyay madaxweynaha Jubbaland.

Gabagabadii, madaxweynaha Jubbaland ayaa Hiiraan Online u faahfaahiyay shirka  wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada ee lagu waddo Sabtida berri ah inuu ka furmo magaalada Garoowe iyo haddii dowladda federaalka ay ka qeybgalayso.

"Dowladda federaalka shirka way imaan, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa ka qeybgalaya ama midkood ayaa ka qeybgalaya, waxaana rajeynaya inuu noqdo mid miradhala oo meesha ka saara isfahan waaga". ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]