4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Golaha wasiirrada Soomaaliya Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

"Ujeeddooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray shirka golaha wasiirrada.

Hindise Sharciyeedka ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan.

Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.

Ansixinta Hindise Sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay.

Lama oga nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020/2021,balse Ansixinta Sharcigan ayaa ku soo aadday xilli shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garoowe maalinta Sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]