4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Dowladda oo sheegtay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

 

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay ciidamada ku sugan gobolka Gedo sarkaal u qaabilsanaa Al-shabaab qaraxyada.

Sarkaalkan la sheegay in uu Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo lagu maacaabo Yuusuf Axmed Cadow, ayaa ka hor inta uusan isku soo dhiibin ciidamada ku soo wargaliyay isa soo dhiibistiisa.

Waxaana u surtagashay in uu markii danbe isku dhiibo una galo  Taliska ciidamada xoogga dalka ee xaruntooda tahay Garbahaarey. ee gobolka Gedo

Ma'aha sarkaalkii ugu horeeyay ee ka tirsan Al-shabaab ee isku dhiiba talisku ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigood yahay gobolka Gedo, hasse ahaatee waxaa marar badan oo  hore sidan oo kale u soo galay gacantooda dhalinyaro sheegay in ay isaga soo baxeen Ururka Al-shabaab oo ay horay uga tirsanaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]