4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
QM oo ka digtay xaaladda 1.7 milyan oo Soomaali ah

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 1.7 milyan oo Soomaali ah inay wajahayaan heerar kala duwan oo deg-deg ah taasi oo ku saabsan cuno la’aan soo food saartay, waxayna xaaladdoodu ugu darantahay illaa bisha Jun ee sannadkaan.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ,Stephane Dujarric  ayaa sheegay Arbacadii in abaaruhu ay kasii darayaan iyadoo 954,000 oo carruur ah ay Soomaaliya gudaheeda ku heystato nafaqa darro, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda carruurto inay sii xumaato.

Kooxda gargaarka ee  Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay isu diyaarinayaan sadii ay u heli lahaayeen qorshe ay uga jawaabaan abaarta Soomaaliya iyagoo la tacaalaya raashin la’aanta.

Inta u dhexeeysa bilaha May iyo October ayuu Afhayeenku sheegay in kooxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku dadaali doonaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada ugu daran ee abaartu ka jirto.

Qaramadda Midoobay ayaa sheegay xaaladda deg dega ah ee ay wajahayaan milyan iyo barka Sooamalida ah inay ka dhalatay, kaddib markii roobkii la sugayay uusan di’in taasina ay keentay in xooluhu ay la liitaan xaaladda abaarta, dalagii soo bixi lahaana uu guul darreystay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]