4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Boosaaso: Ciidammo gadood sameeyay

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Ciidan ka tirsan kuwa amniga magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, ayaa saacadihii hore ee khamiista maanta gadood sameeyay, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Ciidankan oo ka tirsan kuwa Birmadka ee amniga gudaha deegaannada loo tababbaro ayaa muddo kooban la wareegay bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso,iyadoo la maqlayay rasaas ay ciidammadu rideen.

"Arrintan dadka deegaanka cabsi ayay ku abuurtay, waxaan ka warhelnay ciidan hubeysan oo mar kaliya soo dhoobtay aagga bangiga xabbado ayay rideen". ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.

Saraakiisha amniga ayaa la sheegay inay u tageen ciidanka gadoodka sameeyay oo ka cabanayay mushaar la'aan, waxaana markii dambe lagu qanciyay inay saldhigyadoodda dib ugu laabtay, xilligaa oo loo ballanqaaday inay heli doonaan mushaarka iyo xaquuqda ka maqan.

Gadoodka ciidanka ayaa ku soo noq noqday Puntland, waxa ugu badan ee ciidanka ay ka gadooddana waa ineysan helin mushaar iyo xaquuqdooda, arrintaa in xal loo helo waxaa horay u ballanqaaday madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]