4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Wasiirka Gaashaandhigga Ingiriiska oo xilka looga qaaday sir uu bixiyay

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Wasiirka Gaashandhigga  Ingiriiska,Gavin Williamson ayaa xilka laga qaaday, kaddib markii uu diiddey inuu is casilo, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha dalkaas.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Theresa May, ayaa lagu xaqiijiyay in Williamson uu lumiyay kalsoonida ra'iisul wasaaraha ,iyadoo loo heysto wasiirka la eryay in uu bixiyay sir qaran oo la xiriirta shirka golaha amniga qaranka.

Williamson , ayaa si gaar ah farta loogu fiiqay inuu bannaanka u bixiyay xog la xiriirta  in shirkadda telefoonnada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka ee 5G.

Balse wuu beeniyay in uu xogtaas dibadda u dusiyay,laakin ra'iisul wasaare May ayaa u sheegtay wasiirka la eryay oo ay la kulantay  inay heyso caddeymo  waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah dibadda u bixiyay.

Williamson ayaa xilka wasiirka gaashandhigga Boqortooyada Ingiriiska hayay illaa sannadkii 2017dii ,waxaana hadda lagu beddelay Penny Mordaunt oo horey u ahayd wasiirka horumarinta caalamiga ah . Waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa qabata.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]