4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Ciidamada dowladda oo howlgal ka wada deegaanka Bariire oo ay kala wareegeen Al-shabaab

 

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya howlgal ballaaran ka wadaan deegaanka Bariire oo ay maalintii shalay kala wareegeen xoogagga ururka Al-shabaab.

Dadka ku sugan deegaanka Bariire ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda dhaqdhaqaaqyo militari halkaa ka wadaan iyaga oo ku wajahan deegaanno kale oo ay ku sugn yihiin Al-shabaab.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ku bogaadisay ciidamada dowladda howlgallada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan tallaabadii ugu danbeysay oo ay kula wareegeen Bariire.

Balse Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in deegaanka Bariire ay la wareegeen ciidamada Dowladda,waxaana ay sheegeen in ay iyaga gacanta ku hayaan.

Sannadkii 2017 ayaa ciidamada dowladda Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire, hasse ahaatee dhowr bil kadib ay ciidamada isaga baxeen,waxaana intaasi wixii ka dambeeyey gacanta ku hayey Ururka Al-Shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]