4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Dib u dhac ku yimid shir Garoowe lagu waday in uu maanta ka furmo

 

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Shirka oo maanta oo Khamiis lagu waday in uu magaalada Garoowe uga furmo dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada ayaa dib u dhacay, waxaana soconaya kulamo wada taashi ah oo la xiriira ka qeybgalka shirka.

Garoowe waxaa maalintii shalay gaaray wafdi hor dhac ah oo ka socday madaxtooyada Soomaaliya, kuwaa oo u sii gogol xaaraya ka qeybgalka shirka madaxda ugu sareysa dalka.

Laakiin wali waxaan tagin magaalada Garoowe madaxda dowlad gobolleedyada oo lagu waday in maalintii shaleyba ay gaaraan halkaa si maanta uu shirku u furmo.

Warar hoose oo soo baxay ayaaa sheegaya in beesha caalamku xoogga ku saareyso madaxda ugu sareysa dalka ka qeybgalka shirka, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen.

Maalinta Sabtida ah ayaa ugu danbeyn la filayaa in shirku ka furmo magaalada Garoowe oo intiisa badan looga hadli doono xalinta khilaafka dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]