4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Madaxweyne Waare oo booqday Buundada Ceel-Gaal oo dhawaan ku bur burtay daadad ku fatahay

 

Axad, May, 19, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galinkii danbe ee maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa durbaba booqday Buundada Ceel-Gaal oo dhawaan ku bur burtay roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaanka.

Madaxweynaha Waare oo ka soo kicitimay magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay, Wasiirro, Xildhibaanno iyo waliba mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Yuusuf Axmed Hagar.

Buundadan bur burtay ayaa muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga dalka Soomaaliya, waxaana si deg deg ah looga bilaabay dib u dhis la doonayo in dib loogu soo celiyo isticmaalkii Buundada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]