4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Booliska oo gacanta ku dhigay qofkii waday gaari caawa ku qarxay Muqdisho

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Booliska Soomaaliya ayaa goor dhow shaaciyay in la qabtay ninkii waday gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay agagaarka iskaashatooyinka gaadiidka ee degmada Xamar weyne.

Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya, Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inaysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaa,iyadoo inta ku dartay in la qabtay labo ruux oo kale.

" Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne. wax khasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan. Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay. " Zakiya Xuseen  ayaa sida ku baahisay boggeeda Facebook.

Qaraxa ayaa dhacay xilliga afurka ee saacadda Muqdisho, wuxuu ku soo aadday xilli ciidanka amniga ay howlgallo dheeraad ah ka waddaan Muqdisho, inta badan isgoysyadana la dhigay ciidammo dheeraad ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]