4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2019
Madaxda degaanada Soomaalida, Canfarta iyo Hararida oo Olole nadaafadeed ka sameeyay magaalada Harar

 

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo Madaxda degaanada Canfarta iyo Hararida ayaa Olole nadaafadeed ka billaabay maanta magaalada Harar,

Ololahan nadaafadda oo guud ahaan dalka Itoobiya laga ogaysiiyay in maanta oo Axad ah qof kastaa uu iska nadiifiyo goobtuu joogo iyo inta ku hareersan ayay madaxda degaanada Soomaalida, Hararida iyo Canfartu dhankooda kaga qayb qaateen.

Geesta kale Saddexdan degaan wufuud ka socotay ayaa ku sugan magaalada Harar waxaana isugu yeedhay Wasiirka Nabadgalyada Itoobiya, waxaana la filayaa in shir muhiim ah oo khilaafaadka degaanadaas lagu soo afjarayo uga furmo magaalsda Harar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]