4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo gaaray


Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa inta aysan soo gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Sheekh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale wafdiga  Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab kusoo dhoweeyeen, waxaana uu madaxweynuhu kelmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo, magaaladii nabadda "DAARU SALAAM" waa magaalo nabdoon, waa magaalo nabadeed, waxaan rajaynayaa nabaddaasi inay ku waarto Insha Alla, dowladduna waxay ka qaadanaysaa kaalinteeda horumarinta magaaladan".

"Waxaan u mahadcelinayaa shacabka quruxda badan ee nagu soo dhoweeyey halkan, waxay muujinaysaa tani wanaagga iyo dawladnimada ay rabaan shacabku" Ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ayaa ugu dambayn soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, mas'uuliyiin ka tirsan Geleyaasha Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo mas'uuliyiin kale.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayoleh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani.

"Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacayo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa."

Madaxweynaha Puntland ayaa intaas kaddib xariga ka jaray xarunta madaxtooyadda ee magaalada Gaalkacyo, isagoo marka u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Cabdiweli Gaas iyo shirkadihii ka shaqeeyay dhismaha xarunta.

Socdaalka madaxweynaha Puntland ee gobolka Mudug ayaa noqonaya markii u horreysay tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland,iyadoo inta uu jooga magaalada Gaalkacyo lagu waddo inuu kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo mas'uuliyiinta degmada iyo gobolka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]