4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Ardey Walaalo ah oo ku dhaawacmay rasaas lagu furay gaari ay la socdeen magaalada Muqdisho

 

Axad, May, 19, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas ku furay gaari ay la socdeen Ardey waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay saddex Ardey oo Walaalo ah

Gaariga oo lagu rasaaseeyay meel aan ka fogeyn Ajibka shidaalka ee degmada Dherkeenley ayaa waday Ardey wax ka barata Dugsiga Al-Anwaar [Ex Dhame Yaasiin Cartan]

Ardeyda ku dhaawacantay rasaasta lagu furay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Safiyo Dahir, Hodan Dahir iyo Zakariye Dahir. waxaana goobta ka baxsaday Askargii rasaas ku riday.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa rasaas aan loo meeldayin ku fua gaadiidka ay la socdaan dadka rayidka ah, iyadoo sidan oo kale rasaas ay fureen ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dhinteen dad rayid ah oo ay ku jiraan Ardey qaarkood aad u da'yar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]