4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Madaxweyne Biixi oo sheegay inuu siidaynayo maxaabiistii Puntland ee lagu soo qabtay dagaaladda


Axad, May 19,   2019  (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inuu doonayo inuu u celiyo maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaladii Puntland iyo Somaliland, isla markaana ay iyaguna wixii ay hayeen soo wareejiyaan.

Sidaas waxa uu ka sheegay munaasibad casho iyo afur ah oo uu u sameeyey marti sharaftii ka kala yimid dalalka caalamka ee ka soo qaybgalay oo ay ku jireen xildhibaano iyo masuuliyiin soomaalida Jabuuti, Kenya iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu casuumay dabaaldega 18 May.

Waxa kale oo munaasibadan kulmisay xukuumadda iyo asxaabta mucaaradka, kuwaas oo soo jeediyey in arrimaha farsamo ee la isku fahmi laayahay inay doorasho dhacdo laga heshiiyo.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa in maalintan tahay maalin qaran oo shacabka Somaliland ku midaysan yihiin,waxaanu soo jeediyey in caqabadaha haysta in doorashooyinkii la filayey ku dhacaan wakhtigoodii laga heshiiyo.

“Maanta waxaynnu u dabbaaldegaynaa 18-kii May, waa maalin aynaan kala lahayn, waa maalin aynaan kala suntanayn oo aanay axsaabtuna kala xigsanayn oo u dhex ah, shacab weynaha Somaliland iyo inta Somaliland jecel gudo iyo dibadba waan hambalyeynayaa, waxana aan ugu bushaaraynayaa in qarankan aynnu wada ilaalin doonno oo aynnu wada dhisi doono oo aynnu tacab wada-gelin doono, haddii ay ay shacabweynaha tahay iyo haddii ay axsaabta tahayba.”ayuu yidhi JIrde.

Waxa kale oo uu ballanqaaday in is tuurtuurkii maalmihii u dambeeyey ka dhex socday mucaaradka iyo xukuumada bisha barakaysan darteed la joojiyo oo maalmaha khayrka badan ee hadhay aan hawada la isku marin eedeen iyo difaac qolaba qolada kale wax ka sheegayso.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe  ayaa  madaxda Somaliland ugu baaqay inay ku dedaalaan sidii meesha looga saari lahaa wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah oo taagan.

Sidoo kale Faysal waxa uu sheegay inay labada xisbi ee doorashadan ku heshiiyey inay dhacdo tagi doonaan Nayroobi si ay ula soo hadlaan qaadhaanbixiyeyaashii,isla markaana u sheegi doonaan inay heshiish ku yihiin inay doorasho dhacdo.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo isna munaasibada ka hadlay ayaaa hadalkiis ku bilaabay “Ummad waliba taariikhdeeda ayey ku faantaa, taariikhdana waa in la xusaa, 18-Ka May waa taariikh Somaliland wada leedahay oo la goostay maalintii aynnu xornimada kala soo noqonnay Soomaaliya,  waxa kale oo ay leedahya 26 june oo iyana maalin qaran ah, waxa kale oo ay leedahay taariikhdii daraawiishka oo iyana maalin la xuso loo samaynayn doonno, maalmaha taariikhda ah waa in la wada xusaa”.

Guddoomiyaha golaha guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay maanta Hargeysa ku sugan yihiin afartii Soomaaliyeed oo Muqdisho oo qudhi ka maqan tahay, waxaanu xusay in shanta soomaaliyeed mid waliba halka ay joogto ku caawin karto walaalaheed ee midnimo dambe meesha ka baxday.

" caàwa  (xalay) shantii soomaaliyeed ee lixdankii callanka midnimada la ordaysay ee aynu lahayn gaallooy ha na qaybinna waxa inaga maqan uun Muqdisho, afartii kalaba waynu ku joognaa, inagoo raalli kala ah oo aan lahayn nagu soo biira, qollo waliba halka ay joogto alla ha ku barakeeyo.Sidan bay inaga badnaanaysa oo halka aynu mid uun ku koobnaan lahayn in shan meelood wax iskan tarno oo isku damqanna"ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay siduu u doonayo inuu usoo xaliyo dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu sheegay inuu maxaabiistii laga soo qabtay Puntland xoriyadoodii u celinayo.

 “Haddaanu nahay Somaliland oo caawa halkan ku dhan, waxan doonayaa inaan baaq dheer ugu diro inaynu dalalka jaarka dhammaantoodba inaynnu nabad kula wada noolaanayno, gaar ahaan Soomaaliya oo maanta muran xooggani naga dhexeeya muddo soddon sannadood ah, waxa aannu xuduud ka wadaagnaana waa Puntland xad dheer oo shan boqol oo Kiilomitir ah aannu wadaagno.”ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu shaaciyey inay Somaliland go’aansatay inay nabad waarta iyo xasillooni kula noolaato maamulka Puntland, isaga oo caddeeyey inay haboon tahay in laga wada-hadlo sidii la isugu celin lahaa maxaabiistii lagu kala qabsaday isku dhicii Somaliland iyo maamulka Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq, “Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan."

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.