4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2019
Faah faahin ku saabsan Askari dhaawacay guddoomiyihii waxbarashada gobolka Mudug

 

Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in askari ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug uu xalay dhaawacay guddoomiyihii waxbarashada gobolka Mudug oo lagu magacaabo Axmed Qoodeeye.

Mas’uulkan la dhaawacay oo ahaa guddoomiyihii waxbarashada gobolka Mudug ee maamul gobolleedka Galmudug ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu rasaas ku furay askari ka tirsanaa maamulka xili uu mas’uulkani saarnaa ama la socday Mooto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga uu ka shakiyay Mootada uu saarnaa mas’uulkan sidaana uu rasaasta ugu furay.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Mudug oo la xiriira dhaawaca guddoomiyihii waxbarashada gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]