Axad, May, 19, 2019 (HOL)-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabcasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen oo
ka hadlay qaraxii khasaaraha badan geystay ee maalintii shalay ka dhacay
degmada Bardaale ayaa bulshada ku dhaqan gobolka Baay iyo guud ahaan gobolka
Galbeed ugu baaqay in ay ka foojignaadaan weerarrada iyo qaraxyada Al-shabaab.
Waxaa uu ka tacsiiyeeyay dadkii ku dhintay
qaraxaas oo uu ka mid yahay Kabtan Falar Liibaan Nuurow oo ka mid ahaa Golaha
Deegaanka Degmada Berdaale sidoo kale ahaa Sarkaal katirsan ciidanka xooga dalka
Soomaaliyeed.
‘’Waxaan balanqaadayaa in wax badan laga qaban
doono dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur
Galbeed ayuu hadalkiisa sii raaciyay’’ madaxweyne Cabdicasiis.
Ciidamada maaamulka iyo mas’uuliyiinta degmooyinka
ayuu ugu baaqay in ay ka tigtoonaadaan weerarada kaga imaanaya dhinaca Al-shabaab,waxaana
Shacabka uu ka dalbaday in ay dhankooda ciidamada la Shaqeeyaan.
Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaannada ugu
badan oo ay Al-shabaab ka geystaan weerarrada tooska ah iyo qaraxyada marka
laga soo tago magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]