Hiiraan Online
4/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Puntland oo ka hortimid hadal uu yiri wasiir Goodax
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Puntland ayaa sheegtay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee maanta billowday si habsami leh u socdaan,iyadoo wasiirka Soomaaliya ahna Cabdulaahi Goodax Barre oo maanta gaaray Jowhar uu sheegay in uu fashilmay Imtixaankii Puntland.
Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Farmayeeri oo ka warbixiyay sida ay ku billowdeen imtixaanadka Puntland ayaa caddeeyay in maalinkii 1aad uu kusoo gabagaboobeen si wanaagsan.
"Waxaa si habsami leh u socda imtixaanka shahaadiga Puntland dhamaan xarumihii maantay si guul ah ayey ku soo gaba gabeeyeen maalintii labaad ayaan u gudubnay dhammaan hawl-wadeenada iyo ardayda imtixaanka guul ayaan u rajaynayaa." ayuu yiri Farmayeeri.
Warka agaasimaha ayaa kusoo beegmaya saacado ka dib markii Wasiirka waxbarashada Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barre uu sheegay in imtixaanaadkii Puntland fashilmeen.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]