4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Wasiir Goodax : Saacadaan la joogo Puntland Imtixaanka ay qaadeyso wuu fashilmay

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in Imtixaanka maanta ka bilaawday qeybo ka mid ah dowlad gobolleedka Puntland uu fashilmay.

Wasiirka oo maanta oo gaaray magaalada Jowhar si uu u xaliyo khilaafka ka dhashay joojintii Imtixaankii Shaadiga iyo go’aankii dowlad gobolleedka Hirshabeelle ay ka qaateen Wasaarradda ayaa sheegay in saacadan la joojo sida uu hadalka u dhigay Imtixaannaadka laga daah furay maanta deegaannada Puntland uu fashilmay.

“Imtixaan waa fashilmaa,Saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay,wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre oo hadalkiisa laga dhadhansan karay sida uu uga xumaaday falcalintii ka dhalatay talaabadii uu ku joojiyay Imtixaanka.

Wasiirka Waxaa socdaalkiisa magaalada Jowhar ku wehlinaya Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle.

Hadalka Wasiir Goodax ee ka dhanka ah Puntland ayaa la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan mas’uuliyiinta maamulkaa oo horay u sheegay in ay xiriirka u jareen wada shaqeyntii kala dhaxeysa Wasaarradda Waxbarashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]