4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Baarlamaanka oo ansixiyay heshiisyo muhiim ah

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay dhowr heshiis oo maalmahan ay ka tagneyd xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka dooddistooda.

Heshiisyada ay Baarlamaanka ansixiyeen waxaa ka mid ah heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen.

Heshiiska  Kheyraadka ayaa waxaa ka taagan muran badan, waxaana kasoo horjeedda qaar ka mid ah maamul-gobolleedyadda. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa horay Heshiiskaan uga dooday, waxaana ugu dambeyntii maanta ay ku guuleysteen in la ansixiyo.

Xildhibaannada ayaa sidoo kalena ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee dadka Naafada ah kaasi oo guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]