Somaliland si weyn ugu dabaaldegtay 28 guuradii ka soo wareegtay maalintii ay ku dhowaaqday inay dal madax banaan tahay
Sabti, May 18, 2019 (HOL)- Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta si balaadhan looga xusay sanad guuradii 28aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ku dhowaaqda inay dib ula soo noqotay madax banaanideedii.
Xalay magaalooyinka waaweyn lama
kala seexan, waxaana jidadka marayey gaadiid ay dhallinyaro ka buuxaan oo ku
wareegayey xaafadaha kuwaas oo u dabaaldegayey 18 may oo sanad walba maalintan
oo kale la xuso.
Madaxweynaha Somaliland ayaa kala
soo qaybgalay dadweynihii iskugu yimid goob cusub oo fagaare loogu sameeyey oo
uu ciidanka salaanta kaga qaato, waxaana laamida soo maray qaybaha kala duwan
ee bulshada haday ahaan ahayd, dugsiyadda, jaamacadaha, shirkadaha gancasiga,
ciidamada kala duwan iyo dhalinyaradii shaqo qaran oo ku labisnaa dharka
ciidanka.
Markii dhoolatuskii ciidamada iyo
bulshada qaybaha kala duwan samaynayeeen dhamaatay waxa khudbad dheer oo
dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madaxweyne Biixi, waxaanu ka hadlay
qorshayaal uu doonayo inuu miyiga iyo magaalada ka fuliyo, iyo sidoo kale
mudadii uu joogay wixii uga qabsoomay adeegyada dadweynaha loo fidiyo.
Madaxweynuhu mar uu ka hadlay
khilaafka taagan doorashooyinka Somaliland ka taagan, waxa uu sheegay in uu
xisbiga kulmiye uu tanaasul badan u sameeyey xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu
yidhi “Sida aad la socotaan, Qaranka Somaliland waxa uu ku dhismayaa
doorashooyinka oo wakhtigoodii lagu qabto, Dib-u-dhaca doorashooyinku waa
dhibaato siyaasadeed oo wiiqi karta midnimadeenna.
Mudnaantu waa in aan ka
baxno qabyaaladda oo aan dhisno Qaran dimuqraadi ah oo isku maamula doorasho
xor iyo xalaal ah.Labada doorasho ee isku sidkan ee sannadkan dabayaaqadiisa
qorshaysan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii
kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeerarba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba
soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee ahaa – In la kordhiyo tirada Xubnaha
Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka,
waxannu aqbalnay Komishanka cusub ee la dooranayo waqtigii la dooranayey lasoo
hormariyo oo bisha Siddeedaad kowdeeda la bilaabo magacaabiddooda, waxanau
aqbalnay in Komishanka cusubi uu qabto doorashooyinka marka kii hore
waqtigoodii dhammaado, waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu
weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada
mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto.
Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE
iyo Xukuumaddiisu waa u diyaar in ay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigoodii.
Waxaan ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo
muujiyey xil-kasnimo iyo in uu diyaar u yahay doorashooyinka. Waxaan ugu
baaqayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI in uu u soo diyaar garoobo
doorashooyin ku dhaca wakhtigoodii, wax Allah iyo wixii aad naga codsateenna
waannu dhammaynay, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si gaar ah u
diiddan doorashada, waxannu leenahay waxay dantu ku jirto in taageerayaashaadu
kasoo qaybgalaan meelaha looga taliyo qaranka ee goleyaasha Baarlamaanka iyo
goleyaasha deegaanka.
Waxa kale oo aannu ku
dhiirrinaynaa guddoomiyaha xisbiga sharafta mudan ee WADDANI inuu mar kaliya
kasoo qaybgalo maalinta sannad-guurada 18-ka May.’
Mar uu ka hadlay arrimaha dibada
waxa uu yidhi “Waxaannu xoojinay Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee ku jihaysan
Qaarada Afrika. Waxaannu u aragnaa in baadi-goobka ictiraafka Somaliland
xooggiisa la saaro dalalka Afrika iyo Golayaasha Afrika. Waxaan u caddaynayaa
Afrika in Somaliland tahay dal ku dhisan xuduudihii gumaysiga, taas oo
waafaqsan Axdiga iyo Sharciga u yaalla Ururka Midowga Afrika, buuxiyeyna
dhammaan shuruudihii looga baahnaa in dal jiraa in uu yeesho.
Xukuumaddu waxa ay qaaday
tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dar-dargalinayo xidhiidhka Beesha Caalamka
oo dhan. Waxaad la socotaan wufuudda tirada badan iyo diblomaasiyiinta ku soo
qul-qulaysa dalkeena. Arrimahaasi waxa ay marag u yihiin dar-dar-galinta iyo
xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.”.
Dhinaca wada hadalka waxa uu
sheegay in danta afrika ku jirto iyadoo la kala guro Somaliland iyo Soomaaliya,
waxaanu yidhi “Waxa muuqata in caalamka
badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo
Somalia. Somalialand waxay go’aansatay siyaasadda ah in mushkiladda lagu
xalliyo si nabad ah iyo wada- hadal. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii
keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh.
Dadka maanta Muqdisho ka taliya
waxa aannu leenahay intii aad Somaliland gaadhsiiseen dhibaato soddonkii sano
ee aynnu midaysnayn waxa ka culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo
labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma
ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah.
Lafta kala bogsatay la iskuma
kabo, dadka soddonka sano kala maqnaana wa ayo cidda leh waan isku keenayaa,
danta Somaliland iyo Afrika iyo adduunkuba waxa ay ku jirtaa inay labadaas dal
noqdaan laba dal oo walaalo ah.
Somaliland waxay waayo-arag u
tahay riiqda colaadaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay door-bidaysaa in
mushkillada Somaliland iyo Somalia lagu xalliyo wada hadal macno leh oo lagu
qabto fagaare caalami ah. “
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay
ciidamada badda ee loo samaynayo geeska afrika, waxaanu xusay in hadii aanay Somaliland
ka mid ahayn wax ka soconayaa aanu jirin, waxaanu yidhi “Dhawaan waxa aynnu
maqalnay in la samaynayo ciidamada nabadgelyada badda Cas, waxaan la
yaabahannahay ragga Isteraatajiisteyaasha ah ee fikradda leh ee gobolka
katirsan ee doonaya inay badda cas nabadgelyadeeda xoojiyaan ee Somaliland ah
dalka xeebta ugu badan ee badda cas, Somaliland marka laga tixgelin waayey
xaggee baa loo wadaa, mise Somaliland cid baa xoog kaga qaadaysa xuquuqdeeda.
Arrinta nabad-gelyada Badda Cas
ee hadda la hindisayo in ciidammo loo dhiso, waxaannu u aragnaa in Somaliland
ka tahay tiir-dhexaad, sababtoo ah Somaliland waxay ku leedahay qayb weyn Badda
Cas. Somaliland qaybta ay ku leedahay Badda Cas waxay dhan-tahay 850 Km, iyada
oo kaliya ayaana ka arimisa.
Sidaas darteed, dhaq-dhaqaaq
kasta oo ka jira Badda Cas, Somaliland waa in ay miisaankeeda ku yeelataa. “.
Sidoo kale, waxa sidan oo kale
looga xusay dhamaan gobolada oo ay u kala baxeen wasiiradii oo gobol walba
wasiiro loo direy si ay dadka ula qaybgalaan.
Inkastoo Somaliland ku dhowaaqday
madax banaani haseyeeshee wali beesha caalamka kama helin ictiraafka iyo in
dalka gaar ah loo aqoonsado.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.