4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Gabar ku tartamaysa feerka oo ku dhow inay baal dahab ah ka gasho sooyaalka Soomaaliya

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Feeryahannad Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran inay waddankeeda u sameyso taariikh wayn,iyadoo la filayo inay usoo gudubto tartanka feerka ee ka dhacaya sannadka 2020ka magaalada Tokyo ee dalka Japan, taas haddii ay dhacdo waxay baal dahab ah ka gelin doonta taariikhda Soomaaliya.

Gabadha qarka u saaran taariikhdan inay gaarto waxaa lagu magacaaba Ramla Cali waxaa tababbar ay isku diyaarinayso ku sameynaysa Ingiriiska  oo ay qoyskeeda tageen markii ay ka qaxeen Soomaaliya sannadkii 1991-dii,halkaas oo ay ku kortay waxna ku baratay.

Muddada ay dugsiga dhiganeysay waxay ahayd qof buuran, balse feerka oo ay u aragtay in ay culeyska isaga dhimi karto ayay haatan ka sameyn rabtaa magac wayn. Rajada ay ka leedahay tartanka Olympic Games ee Tokyo 2020 ayay shaacisay inay tahay mid aad u wanaagsan.

Ramla ayaa haddii ay usoo baxdo waxay noqon doontaa qofkii u horreeyay ee jiilkeeda ah oo tartanka ka soo muuqda,taa oo jirta ayaa marka dib loo laabto Soomaaliya kaliya laba jeer ayay ka qaybgashay tartamada noocaasi ah oo lagu qabtay magaalada Rio ee dalka Brazil.

Gabadha hadda doonaysa inay kor u qaado sumcadda dalkeedda ayaa horay isaga diidday in ay matasho dalka ay ku kortay ee Britain, waxaana ay doorbiday inay caalamka ku metasho qaranka Soomaaliyeed,waxaa ay muujisay inay guusha ay gaarto ay Soomaali oo idil ku farxi doonta,iyadoo marka usoo jeedisay gabdhaha in aysan ka niyad jabin himiladooda cayaaraha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]