4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Deeq Raashin ah oo loo qeybiyay qoysas danyar ah iyo xildhibaanno goob joog u ahaa


Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Hay'adda Hormuud Foundation tan iyo markii bilabaatay bisha barakeysan ee Ramadaan ku howlaneyd qeybita gargaar kala duwan  ayaa deeq Rashiin gar gaar ah u qeybiyay qaar ka mid ah qoysaska  dadka laga tira badan yahay ee ku dhaqan magaaladda Muqdisho iyo daafaheeda.

Deeqdan oo ka Kooban Bur, Bariis, Sonkor, Baasto, Salliid & Timir ayaa Hay'adda Hormuud Telcom Foundation waxay Magaaladda Muqdisho ugu qeybisay in ka badan 250 Qoys oo ka mid ah Qoysaska ka soo jeeda dadka laga tira badan yahay.

Qeybinta Deeqdan ayaa Loogu talagalay in Qoysaskan ay u kaashadaan gudashada Waajibaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Warbaahnta u sheegay in  ahmiyadda qeybinta deeqdan Raashiinka ay tahay sidii ay dadka u baahan gar gaarka u caawin lahaayeen ilaa inta lagu guda jiro bishan Barakeysan ee Ramadaan.

Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Suldaan Xasan Cabdulle Suldaan Kaariye oo ka qeyb galay munaasabadda deeq bixinta ah ayaa Shirkadda Hormuud uga mahad celiyay deeqdan oo ay ku tilmaameen in sanad walba ay sidan usoo gaadho, waxayna maamulka Hormuud ku amaaneen in ay yihiin kuwo aad ugu dhega fudud codsiyada uga yimaada dadka gargaarka u baahan.

Qaar ka mid ah dadka la Siiyay deeqdan oo ka mahad  caliyay madaxda shirkadda Hormuud iyagoo qeybinta deeqdana ay ku tilmaameen mid lagu soo beegay xiliga loo baahnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]