4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Dhakhaatiirta Degaanka Soomaalida oo dibad-bax ka sameeyay magaalada Jigjiga

 

Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Dhakhaatiirta Caafimaadka ee degaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dibad-bax nabadeesan isugu soo baxay banaanka wayn ee Isbitaalka Sheekh Xassen Yabarre ee magaalada Jigjiga.

Dhakhaatiirtan ayaa ka cabanaya daryeel la'aan, iyo inaysan helin haba yaraatee xuquuqdii uu Dhakhtar lahaa oo dhan, sidoo kale waxay ka cabanayaan daryeel la'aanta xarumaha Caafimaadka iyo Isbitaallada degaanka oo ay ka jirto baylah badan.

Dhakhaatiirtan Degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale dibad-baxan ku taageeraya Dhakhaatiirta dalka Itoobiya oo iyaguna maanta meelo badan oo dalka ka tirsan ka dhigaya dibad-bax ay xuquuqdooda ku dalbanayaan.

Dhakhaatiirta dalka Itoobiya gaar ahaan kuwa degaanka ayaa ah kuwo badanaa aan helin xuquuqdooda, isla markaana ka dhex shaqeeya Isbitaallo iyo xarumo caafimaad oon loo dhammaystirin adeeggii dadka wax loogu qaban lahaa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]