4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Turkiga oo taageerro la garab-istaagay Wiil Soomaali ah oo sawir gacmeed ka sameeyay Erdogan

Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –   Safaaradda Turkiga ee ku taalla caasimadda Muqdisho ayaa hiil-weyn la dul-joogsatay Wiil dhallinyaro ah oo dhowaan sawir gacmeed ka sameeyay  safiirka Turkiga ee Muqdisho iyo madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyib Erdogan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz ayaa qalabka farshaxanka guddoonsiiyay wiilka dhallinyarada oo lagu magacaabo Abshir Taaktika ,iyadoo safiirka uu boggaadiyay hal abuurka wiilkan dhalinyarada ah, waxaana uu guddoonsiiyay hadiyad laga keenay Turkiga oo ahaa qalabka wax lagu sawirro ee farshaxanka ah, taasoo ah mid dhiirragelin ah.

Intaas waxaa dheer safaaradda Turkiga ayaa deeq waxbarasho ugu yaboohday wiilkan dhallinyarada ah, gaar ahaan kulliyadda Artist ama farshaxanka oo uu ka baran doono Jaamacad ku taal dalka Turkiga.

Abshir Taaktika , oo 20 jir ah ayaa sannadihii u dambeeyay baraha bulshada ku soo bandhigayay xirfadiisa farshaxanka, wuxuuna horey sawirro ugu sameeyay madaxda Soomaalida iyo kuwa caalamka , balse sawirka mustaqbalkiisa wax ka beddelay wuxuu ahaa mid cajiib ah oo uu ka sameeyay madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyib Erdogan.

Taaktika , ayaa horey ugu mahadceliyay safaaradda Turkiga iyo dowladda Turkiga, wuxuu marka sheegay inay wax weyn u tahay ballan-qaadka iyo dhiirrigalinta uu ka helay dowladda Turkiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]