3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Australia: Nin horey u weerarray makhaayad ku taalla Melbourne oo walaalkii uu qirtay inuu weerar isna qorsheynayo

Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Walaalka nin horay u toorriyeeyay nin makhaayad ku lahaa Melbourne oo weerarka ku geeryooday ayaa hadda qirtay inuu qorsheynayo weerar argagixiso oo dad badan lagu laayo.

Cali Khaliif Shire Cali oo 22 jir Soomaali -Australian ah ayaa qirtay inuu raadinayay qoryo iyo rasaas si uu xilliga loo dabaal-degayo sannadka cusub uu u weerarro fagaaraha caanka ah ee Melbourne's Federation Spuare oo ah meel la iskugu soo baxo xilliyada loo dabaal-deggayo sannadka cusub.

Maxkamadda sare ee Victorian Supreme Court oo dacwadda ninkan Arbacadii dhegeysatey ayaa haatan sheegaysa inuu ninkanu qorsheynayey weerar uu dad badan ku dilo.

Cali ayaa ah wiil ka yar mid kale oo 30 jir ahaa , Xasan Khaliif Shire Cali kaasoo si xun u  toorriyeeyay milkiilihii makhaayad laga qaxweeyo ee Pellegrini's Espresso Bar oo lagu magacaabo Sisto Malaspina oo 74 jir ahaa bishii Novembar ee sannadkii hore.

Booliska ayaa isla goobta ku toogtey Xasan Khaliif, waxaana isagoo dhaawac daran ah loola cararay isbitaal halkaasoo uu ku dhintay,iyadoo weerarka loo arkay mid argagixiso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/17/2019 11:55 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada degmada Mahadaay ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaanno ka tirsan degmadaas,isla markaana fatahaada uu geystay khasaaro hantiyadeed.

5/17/2019 11:42 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Hay'adda Hormuud Foundation tan iyo markii bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan ku howlaneyd qeybita gargaar kala duwan ayaa Deeq Rashiin gar gaar ah u qeybiyay Qaar ka mid ah Qoysaska Dadka laga tira badan yahay ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda.

5/17/2019 10:34 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Dhakhaatiirta Caafimaadka ee degaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dibad-bax nabadeesan isugu soo baxay banaanka wayn ee Isbitaalka Sheekh Xassen Yabarre ee magaalada Jigjiga.

5/17/2019 10:30 AM EST
Jimco, May 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta cafiyey 517 maxbuus oo ku xukuman dambiyadda fudud munaasibada 18 May darteed xoriyadoodii dib loogu celiyey.

5/17/2019 10:27 AM EST
Jimco, May 17, 2019 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xildhibaan Dhakool uu dambi weyn ka gallay qaranka, isla markaana ay tahay in sharciga la mariyo.

5/17/2019 8:22 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Dalalka Jabuuti, Itoobiya ,Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaaray heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan qad isku xira caasimadohooda.

5/17/2019 7:42 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Inkasto aysan warbaahinta cayaaraha muujin wajiga bini'aadanimo ee Cristiano Ronaldo , ayaa haddana waxaa loo arka inuu yahay nin aad u garab istaaga shacabka reer Falastiin.

5/17/2019 7:36 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Safaaradda Turkiga ee ku taalla caasimadda Muqdisho ayaa hiil-weyn la dul-joogsatay Wiil dhallinyaro ah oo dhowaan sawir gacmeed ka sameeyay safiirka Turkiga ee Muqdisho iyo madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyib Erdogan.

5/17/2019 6:47 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –Wasaarradda Gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya in howlgal ka dhan ah Al-Shabaab laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ay ka maamulaan Al-shabaab labada gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

5/17/2019 4:05 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalo kulul oo aan looga baran ku weeraray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay Xaaf in uu diiday qaadashada dawada xalka u ah Galmudug.

5/17/2019 2:58 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)–Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa magaaladda Muqdisho ugu Qaybisay deeq lacageed qaar ka mid ah Qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaaladda Muqdisho.

5/17/2019 2:43 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Afar ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay diyaayad yar ku dhacday meel saddex mayl u jirta Garoonka caalamiga ah ee Dubai.

5/17/2019 2:25 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – War ka soo baxay guddi dhawaan ay u magacaawday xukuumadda Soomaaliya arrimaha Xajka ayaa soo saaray tirada Xujeyda sanadkan loo ogolaaday Soomaaliya in ay tagaan Xajka.