Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad
gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalo kulul oo aan looga
baran ku weeraray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
oo sheegay Xaaf in uu diiday qaadashada dawada xalka u ah Galmudug.
Madaxweyne Xaaf oo xalay khubad ka jeedinayay
munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyada Galmudug ee magaalada Nairobi ayaa
sheegay in cudurka haya Galmudug ee uu madaxweyuhu ka hadlay yahay mid
markiisii hore-ba isaga uga yimid dhinaca madaxweyne Farmaajo ‘’isaga oo intaa
ku daray in dowladda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay fashilantay.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya
uu weydiisatay in lagu caawiyo Galmudug hub iyo saanad ciidan oo lagula
dagaalamo Al-shabaab, laakiin taa badalkeeda madaxweyuhu u qaatay ayuu yiri in
aynu ku weerari doono Caabudwaaq.
‘’Madaxweyne Farmaajo waxaan weydiistay hub aan
Al-shabaab kula dagaalano balse waxaa uu iigu jawaabay [Ma Caabud-waaq ayaad ku
Weerari rabtaan} ayuu yiri Xaaf oo arintaas ku tilmaamay mid lala yaabo
oo nasiib daro ah.
Madaxweyne Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in
madaxweyne Farmaajo mas’uul ka yahay sida uu hadalka u dhigay dhibaatada ka
taagan deegaannada labada maamul ee Galmudug iyo Jubbaland oo sida uu hadalka u
dhigay ah halka kaliya oo ay degan yihiin Jifada ama Qabiilka uu ka soo jeedo.
‘’Madaxweyne Farmaajo oo jifada ama Qabiilka uu
ka soo jeedo waxey degaan ahaan deggaan Galmudug iyo Jubbaland, isaga ayaana
labada maamul dhibaato ku haya;’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay 15ka
May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Xaaf uu diiday in uu
qaato tallooyinka la xiriira xalka Galmudug, isaga oo ku kaftay in qofka
xanuunsan looga baahan yahay in si sax ah uu u qaato dawada loo qoro.
Marka la eego hadallada ay warbaahinta isku
marinayaan madaxda ugu sareysa dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo kuwa
maamul gobolleedyada ayaa muujinaya halka uu gaarsiisan yahay khilaafka
labada dhinac oo ilaa iyo hadda aan wax xal ah laga gaarin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]