4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Muqdisho : Hormuud Foundation oo 1000 qoys u qeybisay deeq lacageed


Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa magaaladda Muqdisho ugu Qaybisay deeq lacageed qaar ka mid ah Qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaaladda Muqdisho.

Qoysaskan ayaa waxaa laga soo kala xulay qaar ka mid ah xaafaddaha iyo degmooyinka gobolka Banaadirr, iyadoo qeybinta deeqdan loogu talagalay in ay uga faa’ideystaan gudashada Fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Goobta  lagu qeybinayay Deeqdan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay.

Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahadceliyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka ga gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada dalka oo dhan.

Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in dadka maanta la siiyay deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gargaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Hormuud Telecome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo caawinaad oo ay shirkadaan ugu talagashay dadka dhibaateysan ee ku nool degmooyinka gobalka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo ay siinayaan dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Qaar ka Mid ah dadka la siiyay deeqda Lacageed ayaa madaxda hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay caawinta gargaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]