4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Israsaasayn ka dhacday saldhiga booliska bariga Laascaanood oo waxyeelo geysatey

 

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) – Askari ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan in uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday carun ay degan ka degan yihiin ciidanka loo yaqaan RRU oo qayb ka ah Booliska bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Israsaasayntan ayaa wararku sheegayaan in ay u dhexaysey ciidanka dhexdooda, taas oo inta badan magaalada laga maqlayey, balse ay adag tahay sida warkeeda loo helo maadaama falkani uu ka dhacay xero ciidan dhexdeed.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Booliska, iyadoo ku beegnayd xili ay dadku aadayeen Salaada Taraawiixda.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool